U bood dhigaalka

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa doortey guddoomiye, kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka.

Kulankan doorashada ah oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye iyo Labadiisa ku xigeen,  maadaama waqtigii uu guddoomiyaha xilka hayey dhammaaday.

Goobta doorashada waxaa soo xaadiray  Xildhibaanada baarlamaanka dhalinyada soomaaliyeed,  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  iyo saxaafadda .

Waxaa ku tartamay Gudoomiyaha Baarlamaanka dhalinyada  Soomaaliyeed Labo musharrax oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed oo kala ah:

Ducaale Daahir Maxamed iyo Farxaan C/wahaab Xuseen.

Wareeggii Koowaad ee doorashada, xildhibaannada waxa ay codkooda ku dhiibanayeen waraaqaha codbixinta, kuwaasi oo lagu ridayey Sanduuq dhalo ka sameysan oo la arkayay warqadda lagu ridey.

Markii ay dhammaatay codaynta ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada Samsam Maxamuud Macow waxay ku dhowaaqday natiijada cod bixinta, waxayna noqotey in Ducaale Daahir Maxamed uu heley 168 cod, Farxaan C/wahaab Hussein isna uu heley 24 cod, waxa halabaay 5 cod,  sidaasna waxa ay guusha ku raacday Ducaale Daahir Maxamed oo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wareega Labaad waxaa ku tartamayey Labo qof oo u tartamay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed oo kala ahaa Faaiso Bashiir Maxamed iyo Mascuud Maxamed Xuseen,  kadib tirintii codadka waxaa ay u kala heleen sidan:-

Faaiso Bashiir Maxamed waxa ay heshay 110 cod, halka Mascuud Maxamed Xuseen oo la tartamayayna uu helay 25 cod sidaasna waxaa ku guulaysatay  oo noqday gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed Faaiso Bashiir maxamed.

Wareegga Saddxaad ee doorashada  baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa  loo tartamayey guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka waxaana ku tartamayey C/naasir Khaliif Cabdi iyo Axmed Cumar Diini.

Kadib waxaa codsi soo jeediyay Axmed Cumar Diini oo u taagnaa xilkan isagoo shaaciyey in uu iska casilay musharraxnimadii, waxa uuna sheegay in uu codka ugu shubay C/naasir Khaliif Maxamed, waxaana sidaas ay guusha ku raaacday xildhibaan C/naasir khaliif Maxamed oo noqday gudoomiye ku xigeenkaLabaad ee baarlamaanka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Baarlamaanka dhaliyartrada Soomaaliyeed waa baarlamaan dhalinyaro oo ka kooban 276 xildhibaan oo  ka kala yimid dhammaan gobolada dalka Soomaaliya iydoo ay xusid mudan tahay in gabdhaha ay ka yihiin 50%, si loo dhiirageliyo Doorka Gabdhaha Soomaaliyeed.

December 2014, kulan ay soo xaadireen illaa 246 Xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku doorteen Gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed  waxaana loo doortaya mudane Yoonis Cabdiraxmaan Axmed.

001 002 003 004 005 006 007

Goobjoog  News