U bood dhigaalka

Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Qabtay Kulamo lagaga hadlayay Halista Tahriibka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku qabtay kullan Seddax Maalin soconayay, kaasi oo lagaga hadlayay halista Tahriibka.

Kulamadaan ayaa waxaa ka qeybgalay xildibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Aqoonyahano iyo wasiiro ka mid ah maamul gobaleedyada qaarkood.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa kulanka ka sheegay in Dhalinyarada ay raadiyaan wadooyin kale oo Maciishad ku helaan intii ay nafsadooda qatar galin lahaayeen, isagoo ballan qaaday in Baarlamaanka hor geyn doono sidii arrinkaas xal loogu heli lahaa.

“Saxiibayaal waan ogahay sababaha idiinku qasbaya in aad dalka ka baxsataan, Laakiin waxaa arinkan kala hadli doonaa Saxiibadeyda Baarlamaanka, waxaa rajeynayaa in arinkaan aan ka gaari doono xal kama dambeys ah” ayuu yiri Dalxa.

Zakiriye Mahmoud Xaji oo ah siyaasi iyo Xildhibaan hore ayaa isna dhalinyarada ku dhiirigaliyay in ay dalkooda Maalgishtaan.

“Ma jirto meel sida dalkaada oo kale ah, waa ogahay in ay khatar ka jirto, lakiin waxaad kasoo baxdeen Jaamacado, waxaan jecelahay in aad ku fakirtaan sidii aad dalkiina ku maalgashan laheydeen” sidaa waxaa dhalinta kula taliyay Zakariye Xaaji.

Zakariye waxaa uu Baarlamaanka dhalinyarada u sheegay sidii uu ugu guul dareystay shaqo uu ka raajiciyay Sacuudiga iyo sida uu isaga soo laabtay markii uu hungoobay.

Maxamed Axmed Abore oo ah Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Dhalinyarada ayaa sheegay in loo baahnaa in la wacyi galiyo dahlinyarada Tahriibka naftooda ku haliga sidaa darteedna ay u qabteen kulamadaan socda 3-da maalmood.

“Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa uu sidii wada doonaa qaban qaabinta kulamada noocaan oo kale ah, waxaan dhibaatadan ku weynay Asxaabteena, Walaalaheen gabdho iyo Wiilal, waxaana la gaaray xiligii aan Olole qaadi laheyn oo looga hortago arinkaas” sidaa waxaa yiri Aboore.

Xildhibaan  Mahmoud Ahmed (Kulalihi) ayaa ugu dambeyn u hambalyeeyay Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed sida ay u caawinayaan dhalinta sidii looga hortagi lahaa Tahriibta, Musuqa iyo xitaa sidii loo dhiirigalin lahaa Cadaaladda iyo Sinaanta.

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa uu magaalada Muqdisho ka waday wacyi gelin loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, taasi oo ah in ay ka joogana Tahriibka dalkoodana ka shaqeystaan.

Goobjoog News