U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka ah oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2020

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah oo ay yeesheen waxaa ay maanta ku ansixyeen miisaaniyadda 2020.

Kulanka waxaa joogay guddoonka labada aqal oo markii ugu horeysay ka shaqeeyey iney dhacdo in si wadajir ah loo meelmariyo miisaaniyadda.

Codeyntii dhacday waxaa ogolaaday ilaa 188 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay labo xildhibaan.

Goobjoog News