U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Iyo Kan Jubbaland Oo Markii Ugu Horreysay Wada Shaqeyn Doona

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la kulmay guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah ayaa halkaasi waxaa hadal ka jeediyay gudoomiye Jawaari oo sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ugu tagay baarlamaanka Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay in hadda Kismaayo ay u joogaan inay ka qeybgalaan shirka madasha wadatashiga qaran, balse Kismaayo uu kusoo laaban doono isaga oo hogaaminayo xubno baarlamaanka Federaalka ka tirsan si gaar ahna ugu socda baarlamaanka Jubbaland.

Sidoo kale gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka Jubbland ay billaabi doonaan wada shaqeyn ballaaran oo sugeysa qaran ahaan.

“Waxaan u nimid howl qarameed siyaasadeed laga wada xaajoonayo, hase ahaatee sida aan ballan qaaday guuddonkiina iyo madaxweynaha Jubbaland aan u sheegay socdaal rasmi ah oo baarlamaanka Federaalka oo idiin socda kaligiin inaan soo hogaamiyo oo halkaan imaado ayaan jeclahay oo wada shaqeyn iyo howl adag aan billawno oo ina sugeysa qaran ahaan, markii wax la dhisayo wey adag tahay markii la duminayo wey fududahay” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Waa markii ugu horreysay oo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu la kulmo baarlamaanka Jubbaland xilli baarlamaanka Federaalka uu horay u diiday jiritaanka baarlamaankaasi.

6-dii June 2015 kulan baarlamaanka Soomaaliya isugu yimid ayuu kalsoonidii kala laabtay baarlamaanka Jubbaland oo ay sheegeen in aanu wax kalsooni ah u ahayn.

Isla maalintaasi madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag oo saxaafadda la hadlay isna waxa uu sheegay in gabi ahaanba ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka ah.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu dhawaaqay 15-kii April 2015, waxaana mudadii la dhisayay baarlamaankaasi uu la kulmay diidmo farabadan.

Goobjoog News