U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka, Labadiisa Aqal Oo Maanta Meel Mariyey 2 Hindise Sharciyeed Oo Muhiim Ah

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, labadiisa aqal ayaa maanta mid weliba waxaa uu si gaar ah u meel mariyey sharci.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Dhismaha Gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Kadib markii uu Golaha Aqalka sare uu ku yeeshay maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Dhinaca kale, Golaha shacabka ayaa sidoo kale maanta ansixiyey  Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka Siyaasiyiinta, kaas oo maray akhirinta 3aad.

Goobjoog News