U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Sharciga Qaxootiga iyo Barakacaasha Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 31, kalfadhiga 7-aa ayaa maanta xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho, waxaa shir guddoominayey  Jeylaani Nuur Iikar.

Kulanka oo maanta ay soo xaadireen 156 mudane oo barlamaanka ka tirsan ayaa waxaa sharcigaan ogolaaday 155 mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane, mana jirin cid kale oo ka soo hor jeeday, waxana sidaasi ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka mudane Jeylaani nuur Iikar.

Dhinaca kale xildhibaanada barlamaanka ayaa isla maanta guda galay akhrinta koobaas ee sharciga maareynta kaalmaha shidaalka dalka kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka Macdanta iyo Batrool oo mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimadd weyn u leeyahay maareynta Kaalmaha Shidaalka dalka iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.

Wasiirka waxaa baarlamaanka u sheegay in sharcigan uu shaqo ku leeyahay sifeynta shidaalka, sida tayada, Petro Station-ka sida loo sameeyo, wasiirka waxaa uu soo qaatay in halbeegeedu uu yahay qaabka ay qaateen wadamada dariska ah.

Waxaa kaloo Wasiirka soo qaatay in wadanka la keeni kano 5 nooc sida:Naftada, Petroolka, Gaaska dabiiciga, shidaalka diyaaraha iyo Bio shidaalka.

Waxaa kaloo meesha lagu akhriyay heshiika ka mid noqoshada hey’ada islaamka ee hor-umarinta oo ay xubin ka yihiin dowlado gaaraya ilaa 52.

Goobjoog News