U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Oo La Dhaariyay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhowaan laga soo doortay xarumaha dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka tobonaad ee dalka ayaa oo isugu jira rag iyo dumar ayaa lagu dhaariyay xarunta ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Tirada xildhibaannada la dhaariyay ayaa gaareysa 284 iyadoo maanta lagu ballansanaa in la dhaariyo 299 xildhibaan oo isugu jira labada aqal ee baarlamaanka waa aqalka hoose iyo aqalka sare.

Dhaarinta kadib ayay baarlamaanku doorteen guddoomiyeyaal ku meel gaar ah oo labada aqal ah.

Aqalka hoose ayaa guddoomiye KMG ah baarlamaanka u doortey xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre halka aqalka sare loo doortay guddoomiyaha KMG ah Maxamed Xuseen Raage.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaankii sagaalaad xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo madasha si kooban uga hadlay ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaannada baarlamaanka federaalka.

Waxa uu sheegay in uu sidoo kale u hambalyeynayo xildhibaannadii hore ee aan ku soo laaban kuraasta qaar oo uu sheegay in xil culus uu ka dhacay.

Dhanka kale, Guddoomiye xigeenka labaad ee baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday Mahad Cabdalla Cawad oo isna hadal la siiyay ayaa ku dheeraaday in baarlamaanku uu xil iska saaro wax ka bedalka qodobo kamid ah dastuurka.

“Baarlamaanka cusub haddaad tihiin waxaa waajib idin ka saaran yahay sidii aad isku waafajin lahaydeen qodobada dastuuri ahaan weli aan la isla meel dhigin oo baarlamaankii hore ku kala qeybsamay, midda kale waa in la caddeeyaa sida doorashada guddoonka ay noqonayso oo lacagta laga rabo qofka u sharraxan guddoomiyaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale shaaciyay labada qof ee ugu yar oo noqday haween, aqalka sare waxaa ugu yar Fartuun Cabdulqaadir Karaama halka aqalka hoosena ay  ugu yar tahay Ikraan Aadan Absuge.

Marka laga soo tago xildhibaannada maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho waxaa weli dhiman xubno kale oo aan la dhaarin iyo kuwa aan weli la dooran.

baarlamaanka-cusub

Goobjoog News