U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo la Horkeenay Qaraar Ku aaddan in Dib u Eegista Dastuurka Lala Sugo Baarlamaanka 10aad

Sheeko:Baarlamaanka

 Baarlamaanka federaalka Soomaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa magalada Muqdisho ayaa soo saaray qaraar ku aaddan howsha dib u eegista dastuurka oo loo leexinayo baalramaanka 10 aad ee dhawaan la filayo.

Kulanka baarlamaanka ayaa ahaa kalfadhiga 8aad kulankiisii 19aad, waxaana shir guddoomiyaya guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa soo xaadiray xubno gaarayay illaa 142 xildhibaan.

Ajandaha xubanah la horkeenay ayaa ka koobanaa illaa 8 qodob, waxaana ka mid ahaa; dhaarin xildhibaanno, warbixin 4 biloodle ah oo ay soo jeediyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, hadal jeedin guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka xildhibaan Maryan qaasim ay sameysay, qeybinta soo jeedimaha dib u eegista dastuurka federaalka, qeybinta warbixinta guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyo ansixinta qaraar ku saabsan warbixinta guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka oo soo jeedimahooda loo gudbinaayo baarlamaanka 10aad ee soosocda.

Xubanaha baarlamaanka ayaa ansixinta ajandaha ka dib u gudo galay ajanadah,  waxaa la dhaariyay xildhibaanno cusub oo kala ah;  Maxamed Aadan Qalabxoor oo lagu bedelay Ex-marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen iyo Xamsa Siciid Xamsa oo isna  lagu bedelay marxuum xildhibaan Burci Maxamed Xamsa, iyadoo halkaa lagu mariyay labada xildhibaan ee cusub dhaartii dastuuriga ahayd.

Kadib, waxaa halkaa hadal jeedin ka sameeyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran oo warbixintoodii dastuuriga ahayd ee 4 bilood mar looga baahnaa ka hor akhriyeen baarlamaanka, iyadoo guddoomiyuha baarlamaanku guddiga ku aamanay sida wanaagsan ee mar kasta ay golaha u keenaan warbixinta 4 bilood laha ah ee dastuuriga ah.

Dhanka kale waxaa baarlaamka warbixin uu ka dhageysta guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka oo sheegay inaaney suurtogalayn in la sii wado dib u eegista dastuurka, maadaama baarlamaanka mudadiisa xil hayntu gabaabsi tahay, oo aaney u soortogleyn iney sii wadaan howlahooda shaqo, sidaa darteedna ay codsanayaan in howsha lala sugo baarlamaanka 10aad ee dhawaan la filayo inuu dalku yeeshayo.

Intaa ka dib ayaa waxaa xubnaha loo akhriyay qaraar ay soo diyaariyeen guddoonka baarlamaanka oo howsha dib u eegista dastuurka dib loogu dhigaayo illaa baarlamaanka 10aad ee dalka, kaas oo howshaa isagu dusha u ridan doona.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaraarka u akhriyay golah, waxaan ka mid ahaa erayadiisii, “golahan baarlamaanka sagaalad oo mudadiisa xil hayntu gabaabsi tahay wuxuu golaha baarlamaanka 10aad ugu baaqayaa,  in xil gudashaooda ku abaaran howsha dib u eegista dastuurka in haddiiba ay ku bilaabaan dib u eegista warbixinta guddiga iyo soojeedimaha ku lifaaqan kana dhigtaan bud dhigga ay ku dhisayaan howlgalladooda iyo iney hortabin ka dhigtaan dhameystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka Soomaaliya”.

Ugu dambeyn, guddoonka baarlamaanka ayaa tilmamay in howlaha baarlamaanka si xawli ah loo sii abmaqaadi doono mudada u harsan baarlamaanka, isla markaana inta baarlamaan kale uu xilka kala wareegayo ay sii wadi doonaan howshooda shaqo ee ay ummadda Soomaaliyeed u hayaan.

Goobjoog News