U bood dhigaalka

Guddiyada Arrimaha Gudaha Iyo Dibadda Baarlamaanka Oo 48 Saac Looga Sugayo Sharci lagu mamnuucayo ku xad gudubka Xuduudaha Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 8-aad, Kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka ee maanta waxaa shir guddiiminayey Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxaa madasha fadhiyay 162 Xildhibaan, ugu horeyn waxaa laga dooday qaraar ku aadandarbiga Kenya ay ka dhiseyso gudaha Soomaaliya, waxaa la celiyay qaraar la doonayey in uu maanta soo baxo oo arrinkaas ku saabsan.

Dood dheer kadib waxaa la faray guddiyada arimha gudaha iyo xuduudaha in 48 saac gudahood ay ku soo saaraan sharci la xiriira Badda, Xadka iyo Hawada Soomaaliya

Waxaa la qeybiyay hindise sharciyeedka Maareytka shidaalka oo ka hadlaya Maareynta Shidaalka, Nooca tayada, heerka iyo hbinta barista, Habraaca soo dejinta, Keydinta, Qeybinta iyo iibka.

Waxaa kaloo hindisaha ku jira Sicirka Shidaalka, Hawlaha Shidaalka, Ilaalinta Bay’ada iyo arimo kale oo hindise sharciyeedka ku qoran.

Gooboog News.