U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Xadka u Diraya Guddi Xaqiiqo Raadin Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 9aad, Kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka waxaa maanta ajendihiisu ahaa in la dhageysto warbixin Kooban oo ku saabsan darbiga xuduuda Soomaaliya iyo Kenya iyo diyaarinta hindise sharciyeed la xiriira.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn furay kulanka ayaa sheegay in Talaadada ay baxayaan guddi xaqiiqo raadis ah oo isku dhaf af oo xukuumadda iyo baarlamaanka ka kooban, Wasiiro, Xildhibaano, waxaa ku jira taliyaasha ciidamada iyo xitaa maamul goboleedyada halkaas ka jira.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga waxaa u hadlay Dahir Amin Jeesoow  oo ah guddoomiye ku xigeenka, Jeesow waxaa uu sheegay in loo baahday in la diro xaqiiqo raadis si baarlamaanka loo horkeeno shaqo dhameystiran isagoo intaa ku daray in Talaadada ay baxaan.

Guddiga arrimaha dibadda uu u hadlay guddoomiye ku xigeenka guddiga Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in ay go’aankan uu ka yimid kulan dhex maraya Ra’isul wasaaraha, Wasiirka Gashaadhiga, Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka iyo guddiyada arimaha gudaha iyo arrimaha dibadda ee baarlamaanka, guddiyadan ayaa soo jeediyay  in lagu soo daro guddiga difaaca guddiyada  xaqiiqo raadinta ah ee aadaya xadka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay in  arrinta loo kala qaado labo arrin oo kal ah Hindise sharciyeedka iyo arrinta guuxa ah.

Midda koobaad: Hindise  sharciyeedka  la soo jeediyay oo  u codeeyeen  160 Xildhibaan uu weli taagan yahay iyo midda labaad oo ah guuxa dadweynaha ee xadka ka jira taas waxaa loo dirayaa guddi xaqiiqo raadin.

November 14, 2015: Kulankii 8aad ee baarlamaanka,  waxaa la faray guddiyada arimha gudaha iyo xuduudaha in 48 saac gudahood ay ku soo saaraan sharci la xiriira Badda, Xadka iyo Hawada Soomaaliya

Dhinaca kale Waxaa maanta laga dooday hindise sharciyeedka iibka, qandaraasyada iyo dheef wadaagga qaranka

Goobjoog News, wararka baarlamaanka.