U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ka Dooday Mooshin Ku aaddan Ku Xad gudubka Golaha Adeegga garsoorka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday mooshin ku aaddan ku xadgudubka Golaha adeegga garsoorka ee uu Dastuurka KMG madaxbanaani siiyay.

Fadhiga xildhibaanada ayaa ahaa kalfadhiga 8aad kulankiisii 10aad, waxaa soo xaadiray 147 xildhibaan, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ajandaha baarlamaanka horyaallay ayaa ahaa mooshin ku aaddan ku xadgudubka Golaha adeegga Garsoorka oo ay ka doodayeen xubnaha baarlamaanka.

Xildhibaanada qaar ayaa aad u dhaliiley wadadii loo maray xilka qaadista guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf iyagoo ku sheegay xilka qaadistu inay ahayd sharci darro.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku taliyay si xal loo gaaro in si degdeg ah loo ansixiyo xubnaha guddiga adeegga garsoorka lana soo dhameystiro, waana ra’yigii ugu dambeyn la isku raacay ee la isla meel dhigay.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa yiri “Guddoomiye waxaan u maleynaa aad ayaa loo dooday markan oo kalena xal ayaa loo baahan yahay, waa caddahay arrintu, waxaa cad inaan guddoomiyaha la magacaabay sharciyad haysan waa cadyahay, waxaa cad guddiga adeegga garsoorka inaaney shaqo qaban Karin waa cadahay, sanad ka hor ayaa la kala diray shalay ayayna lahayeen waxaan soo dhaweynay guddoomiyihii,  haddii marka ay taasi taagan tahay maxaan sameynaa, ceydiidna waa baxay iyaguna horey u bexeene”.

Waxa uu sheegay waxa uu xalka u arkayo: “Anigu xalkaan sheegaa idinkana waxaan idinka rajeynaa inaad iga aqbashiin, guddiga adeegga garsoorka inaan dhisno ayaa xalku ku imaan karaa, ha lagu soo daro labadii xubnood ee ka dhimanaa, hana loosoo marsiiyo sifadii sharciga ahayd, saadambana hanaloo keeno” ayuu yiri xildhibaan dhuxulow.

Ra’yigii xildhibaanka markii la dhageystay ayaa guddoomiyuha baarlamaanka oo ra’yigaa la dhacay uu xubnaha ka codsaday in ra’yiga xildhbaan Cabdi Axmed la isku raaco, waana sida dhacday oo waa la isku raacay, sidaas ayaana lagu soo gabagabeeyay shirkii baarlamaanka ee maanta iyo dooddii mooshinka.

Ugu dambeyn, mooshinkan ku aaddan golaha adeegga garsoorka ayaa 4 May ay soo gudbiyeen 53 xildhibaan oo ka gadoodsanaa xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf.