U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federaalka oo Ka Dooday Soojeedinta Xukuumadda ee ku aaddan Nidaamka Geeddi socodka Doorashada 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulun ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga dooday Soojeedinta xukuumadda Federaalka oo ku abaaran nidaamka Geeddi-socodka Doorashada Qaranka 2016.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaanno gaaraya illaa 181 xildhibaan, waxaana shir guddoominayay goddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ajandaha xubanaha la horkeenay ayaa ahaa ka doodista soojeedinta xukuumadda Federaalka ee Geeddi Socodka Doorashooyinka dalka 2016.

Ajandaha markii la ansixiyay ayaa xubnaha baarlamaanku ay bilaabeen ka doodista ajandaha iyadoo ay is qortay 65 xildhibaan, waxayse maanta u suuro gashay inay hadal jeedinta doodda galaan illaa 19 xildhibaan, halka inta soo hartayna loo ballamay in hadalka la siiyo Arbacada barri ah.

Dooddii xildhibaanada maanta ee ra’yigooda soo jeediyay ayaa waxay u badnaayeen laba ra’yi oo kala duwan, kan koowaad ayaa ah in guddi loo saaro  sharcigana la waafajiya oo kana dhiga hindise sharciyeed, kadibna doodiisa la furo oo sidaa lagu meel mariyo, waxaana xildhibaanadaa kamid ah, xildhibaan Axmed Aadan Axmed oo yiri:

“Ra’yigeyga waxaan soo jeedin lahaa in qoraalkan dad sharciyaqaanno ah oo baarlamaanka ku jira loo saaro, muddo 7 ama 5 bari hadba kay noqotaba ay ku dul shaqeeyaan, waxa ay kasoo saaraan oo sharciga waafaqsan, waxaan sharciga waafaqsanayn wakhtiga uu ku hirgeli karo qaabka uu ku dhici karo la sharciyeeyo hindise sharciyeed ama qaab sharciyeysan loo soo dhigo baarlamaanka la horkeeno, doodiisu ay halkaa ka bilaabato iyo ansixintiisii”.

Ra’iyaga labaad ee xildhibaanadu waxa uu ahaa in soo jeedinta xukuumadda ee Nidaamka doorashada 2016 ay wax badani ka dhiman yihiin, sidaa daraadeed loo baahan yahay in dib loogu celiyo si loo helo nidaam doorasho oo wakhtiyaysan wadadii lagu galayayna ay cadahay, waxaana xildhibaanada ra’yigaa qaba ka mid ah Xildhibaan Cabdi Maxamed Dhuxulow oo yiri:

“Anigu waxaan oran lahaa in laba sheey oo muhiim ah lagu soo dhajiyo inta aan dooda la dhex gelin in wakhti cad lagu soo dhajiyo waraaqahan la keenay, goormaa doorasho la aadayaa, goormaa baarlamaanku ku idlaanayaa, goormaa la dhaarinayaa, goormaa madaxda la dooranayaa oo madaxweynuhu ugu dambeeyo,tan labaad; 135 oday oo awoodda la siin doono oo la leeyahay iyagaa wax soo xulaya, si aan barito la iskugu qabqabsanin iyagana Decomintiga ha lagu soo dhajiyo”.

Ugu dambeyn; xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay g’aan ka qaataan Soojeedinta xukuumadda Federaalka ee ku abaaran nidaamka Geeddi-socodka Doorashada Qaranka 2016, kaas oo ay xukuumaddu baarlamaanka u soo gudbisay sabtidii la soo dhaafay.

Goobjoog News