U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Meel Mariyay Sharciga Lagu Dhisayo Maxkamadda Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

 Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay shariciga lagu dhisayo maxkamadda dastuurka isla markaana wakhti kordhin u sameeyay guddiiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka.

Shirka maanta ayaa ahaa kalfadhigii 8aad kulankiisii 16aad, waxaa soo xaadiray mudanayaal gaaraya illaa 149 xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ajandaha xubnaha la horkeenaya ayaa waxa uu ka koobnaa illaa 8 qodob waxaana ka mid ahaa; u codeynta mashruuca sharci wax ka bedelidda dastuurka, u codeynta sharciga lagu dhisayo maxkamadda dastuurka, u codeynta wax ka bedalka qodobka 10aad eek u saabsan mudada xilhaynta guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo federaalka, iyo qodobbo kale.

Markii ajandihii la gudo galay ayaa waxaa soo baxday inaaney suurogal ahayn qodobka wax ka bedalka dastuurka oo loo baahan yahay illaa 184 xildhibaan, laakiin ay madasha xaadir ku ahaayeen 149 xildhibaan oo qura.

Waxaa la gudo galay u codeynta sharciga lagu dhisayo maxkamadda dastuurka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay, waxaa ogolaaday 147 xildhibaan, 2 diidday, cid ka aamustayna ma jirin.

Waxaa sidaas oo kale cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay wax ka bedelka qodobka 10aad eek u saabsan mudada xilhaynta guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo federaalka, waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaa ogolaatay 148 xildhibaan, cidina ma’aaney diidin, waxaa ka aamusay hal xildhbaan.

Baarlamaanka howlqabadkiisii maanta waxaa kale oo kamid ahaa akhtintii 3aad ee sharciga xuquuqda siyaasiyiinta oo la sameeyay iyo akhtintii 1aad ee hindise sharciyeedka khayraadka biyaha.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa markii 4aad ay u suurto geli weyday u codeynta masharuuca sharci ee wax ka bedalka dastuurak iyadoo ay soo xaadiri waayeen xildhibaanno kor u dhaafaya 184 xildhibaan oo lagama maarmaan u ah meel marinta wax ka bedelka Dastuurka.

Goobjoog News