U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug Oo Go’aamiyey Waqtiga Ay Dhacayso Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay go’aamiyeen waqtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Kulanka ay xildhibaannada Galmudug yeesheen waxaa soo xaadirtay 52 mudane, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada ayaa aad ugu kala aragti duwanaa waqtiga doorashada ay dhacayso, balse codeyn gacan tag ah kadib 31 mudane ayaa isku raacday in 10-ka bisha April 2017 ay dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug.

21-ka xildhibaan ee soo hartay ayaa iyaguna badi waxay qabeen aragti ah in doorashada ay dhacdo 20-ka bisha April.

Ugu dambeyn guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhowaaqay in 10-ka April la qabanayo doorashada Galmudug.

19-kii bishan March, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka Galmudug in muddo 45 cisho ah dib loo dhigo doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Goobjoog News