U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug Oo Guddi u Saaraya Wada Hadallada Ahlu-sunna

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News waxa uu kaga hadlay sharciyo baarlamaanka uu maalmahan ka doodayay oo ay kamid yihiin dhismaha xarumaha ay wasaaradaha, ammaanka, maaliyadda, wada hadallada Ahlu-sunna iyo kuwa kale.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in baarlamaanku uu ka dooday maaliyadda iyo sidii lagu abuuri lahaa dhaqaale taas oo ay barbar socoto in la hirgeliyo xarumihii ay ku shaqeyn lahaayeen wasaaradaha Galmudug.

“Waxaa laga wada hadlay arrinta dhaqaalaha, hadda ma jiraan ilo dhaqaale oo Galmudug ay leedahay waxaana qorshaha uu yahay sidii loo hirgalin lahaa xarumihii wasaaradaha dowladdu ay ku shaqeyn lahaayeen maadaama hadda xarumo rasmi ah aynaan jirin” ayuu yiri Xildhibaanka.

Mar uu ka hadlayay arrimaha ammaanka wuxuu sheegay in degaannada weli ka maqan gacantooda ay muddo kooban ku gaari doonaan.

“Degaannada ka maqan gacanteenna waan tegi doonnaa, midda kale wada hadallada Ahlu-sunna waxaa socda qorshihii lagu billaabi lahaa waxna horay ayay u socdeen si maamulka shaqadiisa uu u dardargaliyo” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdullaahi.

Xildhibaan Maxamed ayaa ugu dambeyn sheegay in dhowr jeer wada hadalladaan ay fashilmeen laakiin ay doonayaan in la soo gabegabeeyo waqti kooban isagoo tilmaamay in baarlamaanku uu wada hadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna guddi u xil saari doono.

Goobjoog News