U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo la Xisaabtamay Wasiirrada Amniga & Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah oo ay kula xisaabtamayeen wasiiradda Amniga iyo wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka, iyadoo xubanaha ajandaha horyaallaa uu aahaa Su’aalo weydiinta wasiirrada iyo waxqabadkii ay sameeyeen.

Ugu horreyn wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali “Cusmaan dheere” ayaa hadal jeedin ka sameeyay baarlamaanka oo xusay in duruufta ay ku shaqeyaan ay aad u adag tahay, isla markaana aaney jirin miisaaniyad ay ku shaqeeyaan taas oo xayireysa howlahooda shaqo.

Waxa uu wasiirku baarlamaanka xasuusiyay in markastaba loo baahan yahay la xisaabtan isla markaana baarlamaanku sida uu noqdo xukuumaduna u ekaaneyso, baarlamaanka wanaagsanna uu keeno dowladdu iney hagaagto.

Waxa uu sheegay waxqabadkii u suuragalay isag oo yiri” waxaan sameeynay qaabdhismeedkii wasaaradda , Accounkii wasaaradda iyo Emailkeedii, waxaan dejiney qorshihii shaqo ee 2015-2016 oo ka kooban howl qabadyo iyo Mashaariic iyo dib u heshiisiin.

Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug aaney waxba soo gelin sanadkii 2015 iyo waliba sanadkan cusub ee 2016, qorshahaaguna waxa uu ku xiran yahay helitaanka wixii aad ku shaqeyn lahayd, maadaama aaney jirin miisaaniyad lagu shaqeeyo waxba ma qaban kartid, waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa isna dhankiisa hadal soo jeedin ka sameeyay baarlamaanka wasiirka Amniga  Cismaan Muuse Nuur “Taar dhuleed”, waxaanuu ka hadlay howl qabadkii uu sameeyay intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda.

Waxa uu wasiirku sheegay iney joojiyeen dagaal beeleedyo ka jiray Galmudug ciidanna ay dhex dhigeen isla markaana ay wakhti badan ku bixiyeen, dhismaha ciidanka booliska oo ka howl galaya degaanno Galmudug ah, waxaa uu sheegay in ciidamo cusub oo boolis ah ay xareeyeen isla markaana uu filayo in dhawaan ay la wareegi doonaan ammaanka guud ee Galmudug.

Waxa uu wasiirka amnigu sheegay iney jiraan gaadiid ay ciidamada ku wareejiyeen oo ay ka heleen dowladda dhexe iyo kuwo kale oo ay Galmudug soo iibsatay.

Wuxuu xusay ciidamo ay ku wareejiyeen dowladda dhexe oo gaaraya illaa 732 askari si ay uga qeyb qaataan isku dhafka ciidamada qaranka ee laga sameynayo dhamaan Soomaaliya, waxaanuu sheegay iney jiraan ciidamo loogu tala galay xasilinta Galmudug oo iyaguna diyaar ah.

Waxa uu sheegay in ay meel fiican u mareyso dhismaha ciidamada Asluubta oo uu yiri waxaan dooneynaa inaan sameyno ciidamo tayo leh oo hanta anshaxa maxaabiista iyo Asluubtooda.

Ugu danbeyn la xisaabtanka wasiirada ayaa imaneysa xilli aaney jirin Xafiisyo iyo Miisaaniyad ay ku shaqeeyaan wasiirada Galmudug.