U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug Oo u Furmi La Kooram La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay furitaanka kala fadhiga seddexaad ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in maanta maalintii Labaad uu furan yahay kalafadhiga Saddexaad ee baarlamaanka, wuxuuna sheegay in dhowaan korontadii iyo biyihii laga jartay xarunta baarlamaanka Galmudug dib loo helay.

Wuxuu sheegay in ajendayaal badan ay horyaalaan golaha baarlamaanka Galmudug kuwaas oo ay kamid yihiin la xisaabtanka xukuumadda, abuuridda ilo dhaqaale iyo sidoo kale xaqiijinta ammaanka iyo garsoorka.

Xildhibaanka Galmudug ka tirsan ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee heysato iyaga ay tahay kooramka baarlamaanka oo aan buuxsamin taasna ay keentay in ajnedayaashani dooddooda aynaan bilaaban.

“Waxyaabaha aan fadhiggaan uga hadli doonno waxaa kamid ah sababta keentay in wali wasaaradaha Galmudug aysan jirin xarumo rasmiya oo ay ku shaqeystaan” ayuu yiri xildhibaanka Galmudug ka tirsan.

“Waxaa soo xaadiray 39 xildhibaan waxaana kooramka uu ku furmayaa 46 xildhibaan taas waaye caqabadda ay doodda iyo falanqeynta ajnedayaashaan loo guda geli la’ yahay” ayuu mar kale yiri Xildhibaanka maamulka Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in madaxweyne Cabdikariin Guuleed uu ballanqaaday in la furayo dekadda Hobyo balse ay muuqdaan siyaasado hortaagan.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa ka hadlay arrimo la xiriira muranka siyaasadeed iyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana xukuumadaha Galmudug iyo Puntland ugu baaqay in arrinta si wadajir ah looga wada shaqeeyo iyadoo aan xayiraad la saaraynin ganacsatada Soomaaliyeed.

Goobjoog News