U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Guddoomiye Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku meel gaar ah ee Baraalmaanka Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta loogu doortay Maxamed Siyaad Barqadle, kadib markii ay Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Hirshabeele yeeshay kulankoodii ugu horeyay.

Doorashada Guddoomiyaha ku meel gaar ka ah ayaa ku timid kadib markii uu diiday inuu shir Guddoomiyo Baarlamaanka qofka ugu da’da weyn oo dhashay 1948 laguna magacaabo Cabdi Xuseen Geedi kaasoo sheegay in uu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Dood kadib ayaa shir Guddoomiye Maxamed Siyaad Barqadle oo dhashay 1949kii. loo doortay, iyadoo Baarlamaanka HIrshabeele lagu wadaa in uu doorto shir Guddoonka 12ka bishan, 15ka bishana la doorto Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele.

73 xiildhiban oo ka mid ah 89 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabele ka kooban yahay ayaa la dhaariyay xalay waxaana dhaarinta goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha Gudaha dowlada federalka Cabdraxman Xuseen Odowaa.