U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Mar Kale Waqti Dheeraad Ah Ugu Daray Madaxweyne Cosoble

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay codsi kaga yimid madaxweynaha maamulkaasi Cali Cosoble.

Codsigani oo ahaa in waqti dheeraad ah loogu diro madaxweynaha waqtiga uu soo magacaabayo golaha wasiirrada ee Hirshabeelle.

Kala fadhigii maanta waxaa shir guddoominayay  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen.

Waxaa kulankani oo codsiga madaxweynaha baarlamaanku uu ku aqbalay soo xaadirey xildhibaanno gaaraya 83.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen ayaa sheegay in 70 xidhibaan ay ku codeeyeen gacan taag ah inay ogalaadeen codsigii Madaxweynaha ka yimid, 3 ayaa diiday halka 7 xildhibaanna ay ka aamuseen.

Waqtigani baarlamaanka uu u aqbalay inuu ku darsado Madaxweynaha Hirshabeelle muddada soo magacaabista golaha wasiirrada ayaa ah muddo labo bil.

Labo bil gudahood ayaa la filayaa in xukuumaddiisa uu ku dhawaaqo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Goobjoog News