U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Waqti Ku Daraya Qabashada Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle  ayaa lagu warramayaa in ay ka doodayaan Muddo kordhin uu dalbadey  Gudiga Qaban-Qaabda Doorshada Mamaulka Hirshabelle.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow ayaa Goobjoog News u sheegey in Kulankooda maanta ay kaga doodayaan arinta ku aadan muddo korhin uu dalbadey gudiga doorashada maamulkaas, kaas oo Codsadey in Mudoo Afar Maamlin  ah loogu darro si Howlahooda ay u sii dardar galiyaan.

Gudiga Qaban-Qaabda Doorshada Mamaulka Hirshabelle ayaa doonaya in doorashada ay dhacdo maalinta sabtida ah ee soo socta, iyada oo sababta lagu sheegayo diyaar-garoow iyo dhaqaale uruuris.

illaa 7 musharax ayaa isu diiwaangelisay madaxtinimada maamulka Hirshabeelle, dhammaantood waa isku-beel, sidaasina waxaa dhigaya xeerarka aan qorneen ee uu ku dhisan yahay maamulka.

Goobjoog News