U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Xalinaya Colaad Beeleed Ka Taagan Hiiraan

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in guddi ka kooban xildhibaanno loo diri doono gobolka Hiiraan.

Guddigani ayaa la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan nabadgalyo ka hirgasha gobolka Hiiraan gaar ahaan dhanka galbeed oo labo beelood ay ku dirirsan yihiin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddigani uu noqdo mid isku dhaf ah oo xildhibaanno ka soo kala jeeda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Lama aqbali doono colaadaha beelaha ee ka jira gobolka Hiiraan, waxaana halkaas u direynaa guddi ka kooban labaatan xildhibaan oo reer Hiiraan u badan si beelaha loo soo heshiisiiyo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Malleeshiyaadka labada bee lee ku dirirsanaa galbeedka magaalada Baladweyne ayaa kala qaaday oo la kala durjiyay.

Dhanka kale, baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waqti ugu daray soo magacaabista madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cosoble golihiisa wasiirrada cusub.

Goobjoog News