U bood dhigaalka

Baarlamaanka Hirshabelle Oo Baaq Nabadeed Ka Direy Dagaal Beeleedyada Ka Jira Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta baaq nabadeed ka direy dagaal beeleedyada kasoo cusboonaadey deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre Maxamed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar ee xarunta maamaulka Hirshabelle ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dagaallada dib ugu soo cusboonaadey Shabellaha Dhexe.

Waxa uu si gaar ah beelaha ku dagaallamaya deegaanno ku dhow degmada Cadale ugu baaqay in wax walbo lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

“Waan in la joojiyo dagaalka sokeeye, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka iyo sidoo kale cid walbo oo Soomaaliyeed iney ka qeybqaadato daminta dagaalladan” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe, waxaa dib ugu soo cusboonaaday dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hatiyeed sababay.

Goobjoog News