U bood dhigaalka

Baarlamaanka Ingiriiska oo Aqlabiyad ku meelmariyay in Afti loo Qaado Xubinimada Dalkaasi ee Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Afti loo Qaado Xubinimada Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Cod arinkan ay Baarlamaanka galiyeen Waxaa aqbalay 544 Xildhibaan halka ay diideen 53 Xildhibaan, taasi oo ka dhigeysa in loo gudbayo Marxaladaha kale ee Aftida.

Mooshinka laga keenay Xubinimada Ingiriiska ee Midowga Yurub ayaa ka gudbay akhrinta Labaad, waxaana lagu wadaa in Ogolaashiyaha Aftida kadib aad loo dadajiyo.

Dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in Afti u qadaan Xubinimada Ingiriiska ee Midowga Yurub ka hor dhamaadka 2017-ka.

Go’aankan Ingiriiska waxaa ku mideysan dhamaan Axsaabta dalka Ingiriiska, David Cameron ayaa sheegay in Yurub uu la galayo gorgortan fiican ka hor aftida.