U bood dhigaalka

Baarlamaanka Ingiriiska Oo U Codeyn Doonaa Ka Bixitaanka Uk

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee dalka Ingiriiska ayaa xukuntay in go’aanka ka bixitaanka midowga Yurub uu ku xiran yahay codeyn ka dhacda baarlamaanka Ingiriiska.

Maxkamadda sare waxaa ay sheegeysaa in Xukuumadda aaney awood u laheyn go’aanka ka bixitaanka, oo loo baahan yahay ogolaashiyaha baarlamaanka.

Dadka ku dhaqan Uk ayaa bishii June 23-keedii waxaa ay 52% u codeeyeen in ay ka baxaan midowga Yurub, arrintaas oo ay ka dhalatay dhibaatooyin badan.

Dadka falan-qeeya arrimaha Yurub waxaa ay go’aanka maxkamadda ku tilmaamaameen fursad UK ay dib ugu noqon karto midowga Yurub.