U bood dhigaalka

Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Xaaladdii Degdegga Ahayd Ee La Soo Rogey

Sheeko:Caalamka

Xaaladdii degdegga ahayd ee lagu soo rogey dalka Itoobiya ayaa shalay cod loo qaaday. Si go’aanka dawladdu u dhaqangalo, waxa shari ahaan waajib ah in 2/3 kamid ah Baarlamaanka waddankaasi ansixiyaan.

Sida ay baahisey Wakaaladda Wararka ee Reuters, Baarlamaanka Itoobiya oo gacanta ugu jira xisbiga talada haya ee dalkaasi ayaa shalay Jimcihii ansixiyey Xaaladdii Degdegga ahayd ee waddanka lagu soo rogey ka dib iscasilaaddii Ra’iisalwasaarihii dalkaas mudane Hailemariam Desalegn.

Hailemariam Desalegn ayaa iscasiley 15-kii bishii la soo dhaafay ee Febraayo, ka dib markii ilaa iyo sannadkii 2015 ay waddanka ka socdeen dibadbaxyo dhiig badan ku daatay oo lagaga soo horjeedo xukuumadda talada haysa ee lagu eedeeyo inay gacanta ugu jirto qowmiyadda Tigreega oo tiro ahaan waddankaasi ka ah 6%. Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada qowmiyadood ee dalka ugu badan ayaa mucaaraddada ugu badani ka imanaysey, waxa ayna dalbanayaan in waddanka loo sinnaado, dumuqraadiyad iyo sharci sax ahna lagu dhaqo.

Codkii shalay loo qaaday Xaaladda Degdegga ah ee dawladda Itoobiya ay soo rogtey waxa la sheegay in 395 kamid ah xildhibaannadii soo xaadiray kalfadhiga ay “Haa” ugu codeeyeen xaaladda degdegga ah, halka 80 ka soo horjeesteen, toddobana ka aamustay.

Hase yeeshee, mucaaradka dalkaasi iyo xubno madasha joogey ayaa soo werinaya in Xaaladdii Degdegga ahayd aanay sharci ahaan ansixmin, natiijada warbaahinta lala wadaageyna aanay sax ahayn. Wararku waxa ay sheegayaan in codkii loo baahnaa oo 360 ahaa aan la helin maaddaama oo ay 88 xildhibaan ka codeeyeen go’aanka, 98 maqnaayeen, 7-na ka aamustay.

Codaynta shalay ka dhacday dalkaasi waxa ay muujisay tafaraaruqa iyo kala-daadsanaanta ka dhexjirta xisbiga talada haya ee EPRDF. Xisbigan waxa ku bahoobey 4 kamid ah qowmiyadaha waddankaasi dega oo kala ah: Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Gaashaanbuurta qomiyadaha dega Koonfurta dalkaasi ee loo yaqaan “Southern NationsNationalities”. 

Xildhibaannada ka soo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa la sheegayaa inay aad uga soo horjeedeen xaaladda degdegga ah iyaga oo ku andacoonayey in tallaabadani ay keeni karto dhiig badan oo dalkaasi ku daata iyo tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda banii’aadamka maaddaama oo milateriga waddankaasi awood u yeellan doono ka hortagga fal kasta oo loo arko in uu wax u dhimayo deganaanshaha Itoobiya.

Ugu danbayntii, beryihii ugu danbeeyey waxa waddanka Itoobiya ka taagnaa qalalaase siyaasadeed oo mugdi geliyey mustaqbalka waddankaasi. Ka dib iscasilaaddii Ra’iisalwasarihii Itoobiya, waxa dad badan saadaalinayaan in Ra’iisalwasaare qowmiyadda Oromada ka soo jeeda loo dhiibi doono talada Itoobiya. falanqeeyayaasha siyaasadda Itoobiya waxa ay saadaalinayaan in mudane Abiye Ahmed oo dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha xisbiga Oromada ee qaybta ka ah Isbahaysiga talada dalkaasi haya. Kuwo kalena waxa ay tilmaamayaan in Lemma Megersa oo ah Madaxweynaha maamul goboleedka Oromada loo dooran doono jagada Ra’iisalwasaaraha Itoobiya, ninkan se waxa hortaalla caqabad ah inaannu hadda ka tirsanayn Baarlamaanka Itoobiya oo sharci ahaan laga soo dhex doorto Ra’iisalwasaaraha dalka.

 Goobjoog News