U bood dhigaalka

Baarlamaanka Itoobiya Oo Liiska Argagaxisada Ka Saaray ONLF

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii maanta ka dambeeya aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7.

Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo.

Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn.

Bishii September ee sannadkii 2017-kii ayeey golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ONLF u aqoonsadeen urur aragagixiso, walow baarlamaanka federaalka arrintaasi ka hor yimid.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka kaliya ee ONLF u aqoonsan argagixiso.

Goobjoog News