U bood dhigaalka

Baarlamaanka Itoobiya Oo Maanta Ansixiyey Dhismaha Ciidamada Badda

Sheeko:Amniga

Barlamanka Itoobiya ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub kuwaasi oo qaarkood wax laga bedelay qaar horey u jiray halka kuwa kalana lagu soo daray.

Baarlamaanka  ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisayo maamul xuduudeed iyo guddi qaabilsan aqoonsiga.

Barlamaanka ayaa ansixiyay qabyo qoraalka wax looga bedalay xeerarka ciidanka kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyay.

Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca  cyber-ka ama guud ahaan dagaalka internetka.

Itoobiya aya horay u sheegtay dhismaha ciidamada, laakin ogolaashiyaha baarlamaanka waxaa ay ka dhigantahay sida ay go’aankooda u fuliyeen.

Lama oga saldhigga ciidamadaasi cusub iyo badda ay joogi-doonaan, laakin waxaa jira heshiis ay la galeen dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku maal-geshan-doonaan Itoobiyaanku ilaa 4 dekad.

Goobjoog News