U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo si kulul u cambaareeyay isku daygii lagu dili lahaa xildhibaan Dalxa

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay werarkii isku dayga dilka ahaa ee lagu qaaday xilibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Bin Jarwan oo ah Gudoomiyaha baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in uu si aad ah uga xunyahay weerarkii lagu qaaday Dalxa, laguna dilay laba ruux oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

“ficilada noocaasi ah waa kuwo argagixiso mana hakinayaan aayaha jamhuuriyada dimuqraadiga Soomaaliyeed, ee aanu walalaha nahay” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha baarlamanka carabta.

hogaamiyuhu waxaa uu sheeegay in dhamaan xubnaha ka tirsan baarlamaanka carabta ay si kukul u canbaareynayaan weerarkaasi aadna ay uga xunyihiin.

Goobjoog News