U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Oo Ceyriyay Xildhibaanno Dhaliilay Maamulka Axmed Madoobe

Sheeko:Dalka

 Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay xasaanada kala noqdeen, shaqadana ka ceyriyeen 2 xildhibaan oo dhaliilay siyaasadaha madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe.

Kulan ka dhacay maanta oo Axad ah Magaalada Kismaayo ayaa lagu eryey Labada Xildhibaan oo kala Ah: Maxamed Cali Yuusuf iyo C/qaadir Cali ibraahim oo labadaba ka maqan xarunta maamulka ee Kismaayo.

Mudanayaasha Xilka qaadista sameeyey waxay ku eedeeyeen Labada Xildhibaan in ay qaran dumis wadeen sidaana ay xasaanadii ku waayeen Xilka ay hayeen.

Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay maamulka Jubbaland si arrinkan wax looga weydiiyo balse ma helin wax jawaab ah.

Goobjoog News