U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Oo Meel-mariyey Xeerka Biyaha

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku kulmay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa midkii 67-aad ee Kalfadhiga Afaraad, waxaana soo xaadiray 43 mudane, iyadoo looga hadlay xeerka biyaha Jubbaland oo horey usoo meelmariyeen golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey xeerkan, waxaana hadda uu xeerkan u gudbay dhanka madaxweynaha Jubbaland.