U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Qof Kasta oo Muwaadhin Ah Madaxweyne Waa Isu Soo Sharixi Karaa

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo shalay ka hadlayay shirkii ansixinta dastuurka ee Kismaayo lagu qabtay ayaa sheegey in doorashada madaxtinimada ay dhacayso 15-ka bishan Agoosto.

“Waxaan ugu baaqayaa in qof kasta oo muwaadhin oo buuxin kara shuruudaha in uu isu soo sharaxaa xilka madaxtinimo ee Jubbaland” ayuu yiri guddoomiyaha.

Madaxweynaha hadda jooga ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegey dhankiisa in doorashada aysan ka dib mari doonin waqtiga loo cayimey ee 15-ka Agoosto.

Waxaa la filayaa in Axmed Madoobe uu isu soo taago xilka madaxtinimada Jubbaland.

Goobjoog News