U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Ansixiyay Golaha Wasiirrada

Sheeko:Baarlamaanka

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaankaas in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay Bulshada ka sugayaan.

Ilaa 112 mudane ayaa ogolaatay , 5  ayaa diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golahaasi Wasiirada.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo sheegay in wixii maanta ka bilowda ay Golahaasi Wasiirada ay qabsan karaan waajibaadka ka saran u adeegista shacabka.

Madaxweyen Shariif Xasan ayaa dhawaan waxaa uu isku shaandheyn ku sameeyey Golaha wasiirada, kadib markii ay soo baxeen baahi loo qabo wax ka bedelka qaab dhismeedka Golaha Wasiirada.