U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo La Kala Diray

Sheeko:Baarlamaanka

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in baarlamaanka K/Galbeed la kala diray maanta kadib markii xal laga gaari waayey Khilaaf kala dhaxeeyey xukuumadda Madaxweyne Cabdi Caziz Lagta Gareen.

Muddo xileedkooda waxaa uu ku egyahay December sanadkan, laakin Lafta gareen ayaa balanqaaday xiligii doorashada iney haddii isaga doortaan isla dhameysan doonaan

Barlamaanka ayaa beryahan waxay Wadeen buuq Siyaasadeed Oo kala dhaxeeyey Xukumada Maadama Madaxweyne Lafatagareen Waqtigii Ollalaha Doorashada uu Balan qaaday In Hadii Ay Doortaan Waqtiga Isla Dhameysan doonaan

Guoomiyaha Barlamaanka KG Cabdikadir Shatiif Shekhuna Maye Ayaa Todabadkan yimid Magaalada Muqdisho isaga Madaxweyne Lafatagreen Si Loo Xaliyo Kulama Kala duwan Ee Kadhacay Villa Somalia Iyo Villa Hargeysa Oo layeesheen Madaxda ugu sareysa dalka ayaa Lagu Soo Go’aamiyey in Barlamaanka aan Waqti loogu darin ee lakala diro Doorashana loo dareeriyo.

Maanta waxaa baarlamaanka xaflad Qado sharaf ah loogu sameeyey madaxtooyada waana la kala diray.

Goobjoog News