U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta Ansixiyay Xeer hoosaadka Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Konfur galbeed oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Baydhabo ayaa xeer hoosaadkii baarlamaanka ku ansixiyay  cod aqlabiyad leh.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Cabduqaadir Shariif, waxaana horyaallay hal ajande oo kaliya oo ah ansixinta xeer hoosaadka golaha, waxaana soo xaadirta xildhibaanno gaaraya 85 xubnood.

Xildhibaanada K.Galbeed ayaa maalintii Khamiista 10 Maarso loo qeybiyay nuqulka xeer-hoosaadka ah iyagoo fursad loo siiyay maalinta Jimaha ah iney uga soo baaraan degaan si loo ansixiyo.

Kulankan ayaa markii la furay  waxaa bilaabatay ka doodista xeer hoosaadka, waxaana is qortay illaa 42 xildhibaan, iyadoo dood dheer ka dib cod la galiyay ansixinta xeer hoosaadka baarlamaanka Koofur Galbeed, waana sida uu goobjoog New u xaqiijiyay xildhibaan Xasan Macallin Yuursf “Xasan Balaak” oo ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Xubnaha baarlamaanka Konfur Galbeed ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh ku ansixiyay iyagoo 85 xubnood ay codbixinta ka qeyb qaateen, 80 ay haa ku codeysay halka 6 xubnoodna ay diideen, cid ka aamustayna ma jirin, waxaan sidaa lagu ansixiyay xeer hoosaadka baarlamaanka Konfur galbeed.

Goobjoog News