U bood dhigaalka

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Muddo Kordhin U Sameeyay Madaxweyne Laftagareen

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay muddo kordhin u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo wax ka yar saddex sanno ay uga harsan tahay muddo xil heyntiisa.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyay in madaxweyna Cabdicasiis Laftagareen loogu daro muddo hal sanno ah, si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha.

87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka hal mar wakhtigooda ku egyahay oo ay isla dhacayaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey.

Goobjoog News