U bood dhigaalka

Baarlamaanka Midowga Yurub oo DF Ka Dalbaday iney Laalaan Eedaha Ka Dhanka Ah Weriye Gurbiye

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal ay soo saartay Maria Arena, oo madax ka ah guddiga hoosaadka xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka midowga Yurub ayey uga hadashay weerarrada joogtada ah ee ka dhanka weriyeyaasha Soomaalida iyo guud ahaan xadgudubyada ka dhanka ah xuriyadda saxaafadda.

 “ Waxaan ammaanaya saxafiyiinta Soomaaliyeed oo noloshooda halis u geliya si ay si xuriyad leh ugu shaqeystaan, una difaacaan xuriyadda saxaafadda. Dilka Saciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Kalsan TV 4 May 2020 ee magaalada Mogadishu, waxaa uu naxdin ku beeray dhammaan saxafiyiinta. Waxaan ugu baaqayaa dowladda iney ku saameyso baaris hufan oo dhameystiran, oo ciddii mas’uulka ka aheydna cadaaladda la marsiiyo”.

Waxaan soo dhoweynayaa dhawaqa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee ahaa inuu dib u habeyn uu ku sameynayo xeerka ciqaabta  Soomaaliya ee 1964, kaas oo loo adeegsado si joogta ah in afka lagu qabto saxafiyiinta ee soo bandhiga ra’yi dhaliil ah.

Dib u eegistan waxaa ay tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday in la badbaadiyo saxafiyiinta, kuwaas oo iyaga iyo muwaadinkaba aad u doonaya iney helaan xuquuq iyo xuriyadda hadalka cabsi la’aan, oo weliba aan loo raacan wax dambi ah.

Waxaan filayaa dowladda Soomaaliya  in iyada oo la raacayo soojeedinta madaxweynaha la laalo eedeymaha dambi ee ka dhanka ah Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka tirsan VOA iyo Cabdicaziz Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group, oo labaduba lagu sii daayey dammaanad oo dambiyo loo heysto.

Waxaan kale oo ugu baaqayaa maamulka Somaliland si dhaqso ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan weriyaha u xiran ee Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu eedeeyey inuu faafinayo afkaar dalka ka soo horjeeda, propaganda iyo warar been ah”.

Goobjoog News