U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo 3 Bil U Qabtay Xaliimo Yarey Soo Gudbinta Qorshaha, Shuruucda, Lojistikada, Lacagta iyo Amniga Doorashada 2020

Sheeko:Dalka, War

Golaha shacabka ee baaramaanka Soomaaliya ayaa warqad u diray guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey, iyada oo laga dalbaday in muddo 3 bil gudahood ay ku soo gudbiso qorshaha doorashada 2020.

Warqadda Waxaa Ay U Qorneed sidan:

UJEEDDO: QORSHAHA HIRGELINTA DOORASHOOYINKA QARAN 2020

Iyada oo loo baahan yahay December 2020-ka in la qabto doorashooyinka labada aqal ee Soomaaliya, Sida uu qabo dastuurka qodobka 46(2) ee nidaamka matalaadda shacabka oo fursad u siinaya in uu uga qeybgalo, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in doorashada xildhibaannada baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ay ku yimaadaan ayadoo si buuxda loo fulinaayo sida dastuurka ku qoran.

Waxaa kaloo xusid mudan qodobka 111G faqradiisa(2) ee dastuurka oo si qeexan u sheegaya in mas’uuliyadda guddigan madaxabannaan ee doorashooyinka qaranku(GMDQ) ka mid yihiin:

  1. In uu maamulo doorashooyinka madaxweynaha iyo kuwa doorashooyinka baarlamaanka federaalka ah.
  2. In uu si joogta ah u diwaangeliyo codbixiyeyaasha, dib-u-eegista ku sameeya xaashiyaha codbixinta codbixiyeyaasha.
  3. In uu diwaangeliyo murashaxiinta doorashooyinka.
  4. In uu xadido deegaan-doorashooyinka iyo rugaha codbixiyeyaasha
  5. Dejinta xeer-nimaamiyaha habeeye nidaamimka axsaabta siyaasadeed.

Sidoo kale qodobka 47 ee dastuurka waxaa uu farayaa in xeer-nidaamiyeyaasha ku saabsan axsaabta siyaasadeed, diwaangelintooda iyo doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah lagu qeexo laguna xeeriyo shuruuc u gaar ah oo golaha shacabka ansixiyo.

Waxaan la soconaa in dhawaan uu dalka yimid wafdi QM oo u xilsaaran in uu darso soona qiimeeyo arrimaha loo baahan yahay qabashada doorasho “Needs Assiment Mission) oo dhawaan la filayo in natiijada warbixintooda na soo gaarto, taas oo bilow fiican u noqon karta qorsheynta hirgelinta doorashooyinka 2020-ka.

Hadaba, anagoo ka ambaqaadeyna asbaabaha kor ku xusan, kana faa’ideysanayna casharada aan ka soo baranay iyo khibraddii aan ka soo kasbanay doorashooyinkii 2016, loona baahan yahay in laga gaashaanto xaaladaha suurtagalka ah ee carqaladayn kara habsami u hirgelinta doorashooyinka shacabka loo ballanqaaday in waqtigeeda la qabto, guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxaa la farayaa in ugu dambeyn 25-ka bisha Luulyo 2017-ka uu golaha shacabka u soo gudbiyo warbixinta 4 biloodlaha oo faahfaahsan oo ay ku dhan yihiin:

  1. Si doorashooyinka 2020 loo hirgeliyo, waa maxay shuruucda, xeer nidaamiryaalka iyo habraacyada loo baahan yahay in la ansixiyo lana meelmariyo?
  2. Waa maxay arrimaha ku saabsan nidaamyada kala duwan ee doorashooyinka doorbidka ah oo kala xulan karo, waxa laga yeelayo tirakoobka dadweynaha iyo abaabulka deegaan doorashooyinka dalka oo golaha shacabka looga baahan yahay in uu go’aan ka gaaro?
  3. Waa Maxay hey’adaha lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay in la dhiso?
  4. Waa maxay Lojistikada lagama maarmaanka ah in la diyaariyo iyo tababbarada loo bahan yahay in la sii abaabulo.
  5. Soo diyaariya qorshe caddeynaya maaliyadda, cududda aadanaha iyo agabka looga baahan yahay hirgelinta doorashooyinka 2020?
  6. Waa Maxay arrimaha ay u baahan yihiin xafiisyada u xilsaaran maareynta iyo maamulka doorashooyinka?
  7. Waa Maxau heerka amniga ugu hooseeya loo baahan yahay in la sugo si doorashooyinka u qabsoomaan?
  8. Soo diyaari qorshe-howleed muddaysan oo qeexaya goorta loo baahan yahay in arrin walba go’aankeeda la qaato iyo goorta hawlgal kasta loo baahan yahay in la gabagabeeyo.
  9. Waa Maxay taageerada golaha shacabka u fidin karo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaran si guddiga ugu guuleysto xilgudashadiisa?

Ugu dambeyntii, waxaa ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah , QM iyo deeq bixiyeyaasha ka codsananeynaa in ay si buuxda u taageeraan xagga maaliyadda iyo tas-hiilaadka kaleba u fududeeyaan GMDQ si xilkan culus oo leh ahmiyad qarameed aan uga wada guuleysano, ballantii shacabiga aan u qaadnayna sidii loogu talagalay oo waafi ah noogu fusho.

Waxaa kaloo GMDQ la farayaa in uu baahidooda miisaaniyadda u gudbiyo wasiirka maaliyadda si loogu daro qorshaha dib u eegista miisaaniyadda 2017 la filayo in golaha la horkeeno Juune 2017.

Anagoo ku kalsoon si xogta iyo warbixintan kor ku xusan oo muhiim u ah go’aan qaadashada xildhibaannada aad golaha shacabka ku soo gaarsiin doontaan mudada kor ku xusan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News