U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Fasaxaya Mishaaraadka Ciidanka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha guddiga howlha guud ee golaha shacabka Abdifitaax Ismael Tahir oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in berri uu golaha shacabka fasixi doono mishaaraadka ciidamada.

Miisaaniyadda 2017-ka waxaa ay la taallaa golaha shacabka, waxaa muuqata in golaha shacabka arkey in ciidamada aaney sugi karin ansixinta miisaaniyadda.

Go’aanka laga gaaray mishaarka ciidanka, ma khuseeyo shaqaalaha hey’adaha kale ee dowladda, kuwaas waxaa ay sugayaan ansixinta.