U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Maanta Ka Hadli Doonna Dib u Eegista Miisaaniyadda Dowladda Ee 2015

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in kulan ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka hadli doona arrimo ku saabsan dib u eegista miisaaniyadda dowladda 2015-ka.

Xildhibaannada waxaa loo akhrin doonaa nuqullo ka mid ah qoraalka dib u eegista Miisaaniyadda dowladda, oo horay usoo diyaariyeen golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Warbixinta la xiriirta dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa in baarlamaanka uu ka hor akhriyo wasiirka Maaliyadda xukuumadda ama wasiiru dowlaha wasaaradaasi, sida saxaafadda uu u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News