U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Markale Ka Dooodayo Miisaaniyadda 2022

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Arbaco ah laguw adaa in ay kulankooda wadajirka ah ay yeeshaan xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Labada gole ayaa kulankooda maanta lagu wadaa in uu ka dhaco xarunta Villa hargeysa ee ay sida kumeel gaarka ah u daggana yihiin xildhibaannada golaha shacabka.

Kulanka baarlamaanka ee saaka ayaa looga hadlayaa akhrinta labaad ee miisaaniyadda dowladda sanadka 2022-ka, waxaana lagu wadaa in kulanka uu horyimaado xildhibaannada wasiirka maaliyadda xukuumadda xilgaarsiinta.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale su’aallo ka waydiin doona wasiirka maaliyadda miisaaniyadda sanadkaan, sidoo kale wasiirka ayaa wajahi doono su’aallo la xiriira miisaaniyad xir la’aan mudda shan sano ah xafiiskiisa uu wajahay.

Goobjoog News