U bood dhigaalka

Baarlamaanka Pakistan oo Doortay Ra’iisulwasaare Cusub

Sheeko:Caalamka

Baarlamaanka Pakistan ayaa maanta doortay Ra’ iisulwasaare cusub, kadib markii ay xilka ka qaadeen Imran Khaan, waxaana Baarlamaanku Ra’iisulwasaaraha dalka  u doortay Shehbaz Sharif oo hoggamiya xisbiga xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), xisbigii Imran Khan (PTI) ayaa 155 kursi kulahaa Baarlamaanka.

Baarlamaanka Pakistan ayaa maalintii Axadda codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisulwasaare Imran Khaan, waxaana la filayaa in Shariif dhowaan uu soo dhiso xukuumad cusub” Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yiri Sharif oo la hadlay Baarlamaanka kadib doorashadiisa.

Xisbiga talada la  wareegay  ee PML-N iyo PPP  ayaa sanado badan ahaa labada xisbi ee ugu awoodda badan Pakistan ayaga oo iska soo horjeeda, hase yeeshee isbaheysigooda cusub ayaa la filayaa inuu kala furmo kahor doorashada xigta oo ay qasab tahay in la qabto kahor October 2023.

Goobjoog News