U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyay Xeerka Wax Ka Bedalka Gudiga Doorashooyinka maamulkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

PuntlandWaxaa maanta kulankii caadiga ahaa isugu yimid xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland, kaa oo ajandaha ahaa cod u qaadista xeerka Waxka bedalka Gudiga doorashooyinka ee maamulkaasi.

Wasiirada maamulka Puntland ayaa xeerkani oo ka kooban 26 qodob ansixiyay, kaas oo wax ka bedal lagu sameeyay iyadoo la raacay midkii hore ee Gudiga Doorashada.

Xildhibaanada Puntland ayaa yeeshay dood ku aadan Xeerkaan iyo sidoo kale sida ay u arkaan qaabka wax looga bedalay xeerka Gudiga Doorashada maamulkaasi.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 48-mudane waxaa cod gacan taag ah xeerka ku ansixiyay 45-mudane halka saddex mudane ay ka aamuseen

Xeerkaan ayaa horay u ahaa 24 qodob, wax ka bedal iyo wax ku daris ka dib waxaa la gaarsiiyay 26 qodob.

Madaxwayne Gaas ayaa soo magacaabi doono shan ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka halka afarta kalena ay soo magacaabi doonaan Gollaha wakiiladda.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Xeerka Wax Ka Bedalka Gudiga Doorashooyinka ee Puntland

Goobjoog News