U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Ka Horyimid Mudda Kordhinta Farmaajo Loo Sameeyay

Sheeko:Amniga
Barlamaanka Puntland ayaa sheegay In uu cod ugu qaaday Fadhi xiran oo uu maanta lahaa muddo kordhinta aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka ee wakhtigiisu dhamaaday uu u sameeyay Golayaasha DFS.
Mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin mudda kordhinta Golaha shacabka u sameeyen Farmaajo.
Kulanka oo cod gacan taag ah loogu qaaday mudda kordhinta farmaayo ayaa Fadhiga oo ay joogeen 52 xildhibaan ay 49 ka mid ah u codeyeen in aan la Aqbali karin oo ay sharci daro tahay Mudda kordhinta Puntland , halka Laba xildhibaan ay diiday midna uu ka amuusay.
May be an image of standing and text that says 'አ0ያ Puntland Parliament Just now Facebook for Android Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dood- dheer ka dib cod u qaaday muddo kordhinta aan sharciga aheyn ee Golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya. Fadhiga maanta oo ay joogeen 52 Xildhibaan ayaa waxaa u codeyay Ogol 49 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 2 Mudane. വല'