U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Kahor Yimid Doorashooyinka Somaliland

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxay kaga horyimaadeen in doorashooyinka Somaliland lagu qabto deegaannada lagu muran sanyahay iyo kuwa xuduudaha ah.

Kulankan oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa aad looga dooday arrintan, iyadoo 30 mudane ay taageereen in marnaba deegaannada hoostaga Puntland iyo kuwa muranka ka jiro aanu doorasho ka dhici.

Guddoomiye Xaashi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Puntland laga doonayo iney difaacdo xuduudaha ayna kahor tagto cid walbo oo duulaan kusoo ah.

Sidoo kale, kulankaan ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa lagu magacaabay guddi kasoo warbixiya xuduudaha iyo xaaladda guud ee ammaanka Puntland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada