U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Dooranaya Xubnaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ku doortaan xubnaha maamulkaasi u matali doona aqalka sare.

Musharrixiin dhowr ah ayaa tartami doonaa, waxaana kamid ah musharraxiintaasi, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo sidoo kale Jeneraal Moorgan.

Xildhibaannada Puntland ayaa soo dooran doona 11 qof ee Puntland u matalaya aqalka sare, iyadoo sida qorshaha yahay maanta doorashadaasi lagu soo dhammeeyo.

Ammaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo saacadaha soo aadan ay doorashada si toos ah u billaaban doonto.

Xubnahan maanta u tartami doona aqalka sare ayaa shalay waxay xildhibaannada Puntland kahor jeediyeen qorshahooda siyaasadeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News