U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Somaliland oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Hargeysa ayaa ka dooday hindise sharciyeedka hanti dhowrka Guud oo la doonayo inuu noqdo mid ka madax banaan xukuumadda.

Kalfadhiga baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 38 mudane, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax iyadoo ajandaha xubnaha la horkeenay uu ahaa ka doodista Hindise sharciyeedka hanti dhowrka Guud.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay sharcigan cusub ee horyaalla iyagoo kasoo jeediyay aragtiyo kala duwan, qaabka ugu habboon ee lagu dhowri karo hantida Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda laga madax banaaneysiiyo hanti dhowrka oo hadda hoos taga xukuumadda.

Xildhibaan Siciid Afweyne ayaa isna sheegay in hanti dhowrka oo la madax banaaneeyaa uu horseedi karo shaqo hufnaan leh oo uu qabto.

Hanti dhowrka guud ayaa shaqadiisu tahay dabagalka isticmaalka dakhliga ee hay’adaha Dowladda, iyagoo sameeya baaris madax banaan, waxayna xogta si toos ah u siiyaan Madaxweynaha Somaliland oo ay hoos tagaan.

Hanti dhowrka Somaliland ayaan hadda lahayn shari gooni ah oo uu baarlamaanku ansixiyay, taas oo dib u dhac ku ridday madaxbanaanida iyo hufnaanta hanti dhowrka guud.

Haddaba hindise sharciyeedkan Hanti dhowrka Guud ee Somaliland ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Somaliland ay ansixiyaan maalmaha soo aaddan iyadoo la filayo inuu wax weyn ka taro hufnaan shaqo iyo madax banaanida hanti dhowrka Guud.

Goobjoog News