U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland oo Markii 6-aad Muddo Kordhin Sameystay

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka Somaliland ayaa markii 6-aad sameystay muddo kordhin iyaga oo iska indho tiray dhammaan baaqyada maxaliga iyo kuwa dowliga ah.

Golaha guurtida ee Somaliland oo maanta fariistay ayaa cod aqbaliyad ah oo ahaa 70/71 waxaa uu isla qaatay in golaha wakiilada loogu daro 3 sano halka guurtida ay 2 sano tahay.

Tan iyo markii ay doorashada baarlamaanka dhacday 2005-tii waxaa mar walbo la qabanayey xilliyo cusub oo ay tahay in doorasho la qabto.

Halkan ka akhriso Lixda jeer ee ay dib u dhacday doorashada Baarlamaanka Somaliland;

  1. 2010 — June.30. 2013.
  2. June 2013 — February 2015.
  3. February 2015 — March 2017.
  4. March 2017- October 2017.
  5. October 2017- March 2019.
  6. November 2019- November 2022.

Beesha Caalamka:

Deeqbixiyeyaasha iyo guud ahaan beesha caalamka oo safaro kala duwan ku tagay Somaliland waxaa ay madaxda kala hadlaan sidii loo qaban lahaa doorasho baarlamaani ah, laakin taasi ma dhaicin 17 sano.

Goobjoog News