U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Ansixinta Axsaabta

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha wakiilada Somaliland oo fadhi ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa maalinimadii shalay ayaa muddo kordhin u sameeyay guddiga diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta.

Kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen xildhibaanno gaaraya 47 xubnood, waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Xoghayaha guud ee Golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa xildhibaanada u akhriyay warqad codsi ah oo ka socotay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku dalbanayay in muddo kordhin loo sameeyo guddiga Diiwaangelinta Ururada siyaaasadda iyo ansixinta Axsaabta.

Kadib, falanqeyn iyo dood ay xubnuhu ka yeesheen ayaa waxaa la isku raacay in cod gacan taag ah loo qaado muddo kordhinta guddiga.

Muddo kordhinta waxaa ogolaatay 44 xildhibaan, waxaana ka aamusay seddex mudane, cid diidayna ma’aaney jirin, guddoomiyuhuna ma’aanuu codayn, waxaana sidaa ku meel maray muddo kordhin labo sano ah oo loo sameeyay guddiga Diiwaangelinta Ururada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta Somaliland.

Ugu dambeyn sanadkii 2011 ayay ahayd markii uu madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay guddigan diiwaangelinta Axsaabta, waxa uuna ka kooban yahay 7 xubnood oo laga soo kala xulay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo shaqadii ugu horreysay qabtay sanadkii 2012, markii ay kala saareen ururadii siyaasadeed ee Somaliland.