U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Dhageystey Warbixin Dumar Lagu Laayay Tiyeegloow

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Maxamed AfaraaleBaarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta laga hor akhriyey warbixin ku saabsan 7 dumar ah oo maalin kaliya lagu laayay degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool 10-kii bishani Diseembar.

Xildhibaan Axmed Maxamed Afaraale oo booqasho ku tagay magaalada Tiyeegloow ayaa sheegey in isaga iyo saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamadda qalabka sida ay booqdeen qoysaskii laga laayay dumarka.

Xildhibaanka ayaa sheegey in xeer illaalinta maxkamadda ciidamada ay baaris ku wado dhacdada foosha xun, gaar ahaan askarta dowladda ka tirsan ee iyagu dumarka 5ta ah u laayay aargoosiga.

10kii bishani ayay ahayd markii 7 dumar ah siyaabo kala duwan loogu laayay magaalada Tiyeegloow ee Bakool, waxayna arrinta ka bilaabatay kadib markii Alshabaab ay afduubteen 2 dumar ah oo u shaqaynayay ciidamada dowladda, kuwaasi oo ay markii dambe goowraceen, waxa ay tani keentey in askar dowladda ka tirsan oo dumarka la diley u dhaxay in ay afduubtaan 5 dumar dumar oo ay qabeen dagaalyahano Alshabaab ah, kadibna dhamaantood toogasho ku dilaan.

Dhageyso

 

Goobjoog News