U bood dhigaalka

Xildhibaanad sheegtay in guddi dhexdhexaadin ah loo dirayo dagaallada Deefow

Sheeko:War

DeefowXildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in guddi dhex dhaxaadin ah ay u saareen joojinta dagaallada ka dhacaya deegaanada galbeedka magaalada Beledwayne.

Xildhibaan Samiiro Axmed Cabdulle oo la hadashay Goobjoog FM ayaa sheegtay in guddigan tallaabada ugu horeysa oo ay qaadayaan ay tahay fidinta gogol nabadeed.

Waxa ay ku baaqday Samiira Axmed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka in maleeshiyada ku dagaalamaya deegaanka Deefow ee magaaladaasi gacan ka hadalkooda ku bedelaan wada hadal.

Dagaalka dhex maray labadan maleeshiyo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dhaawac intaa kabadan, dagaallada ku soo noqnoqday duleedka gobolka Hiiraan ayaa salka ku haya is qabqabsi la xiriira dhul beereed.

Kol hore ayay ahayd markii dagaal midkan lamid ah uu labada maleeshiyo ku dhex maray deegaanka Kabxanleey ee isla gobolka Hiiraan.

Wararka Goobjoog news